Allbanaadir.com
NEWS

Liiska Golaha Wakiillada Puntland oo galabta lagudhawaaqayo xilli tirada uu khilaaf ka jiro

Guddiga xallinta khiaafaadka iyo xulista xildhibaannada golaha Wakiillada Puntland ayaa galabta lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan liiska 66-xildhibaan ee noqonaya golaha cusub ee wakiillada Puntland.

Sida aan wararka ku heleyno liiska xildhibaannada cusub ee Puntland ayaa la diyaariyay, waxaana liiska guddiga ku dhawaaqayaan ku jira xildhibaanada laga soo doorto deegaannada Khaatumo, gaar ahaan beesha Dhulbahante.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku amray guddiga xallinta Khilaafadaka doorashada in ay qoraan xildhibaanada metalaya beesha Dhulbahante, waxa ayna guddiga dhagaha ka fureesteen baaqyadii odayaasha Khaatumo iyo isimada Puntland.

Musharaxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa dhankooda kasoo horjeeda in xildhibaanada lasoo xulayo lagu daro kuwa matelaya deegaannada SSC Khaatumo oo looga dhawaaqay maamul madax-bannaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxwewyne Deni oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Xog) Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Nin Caan ah oo hal kaluun ku iibsaday lacag ku dhaw 2-Milyan oo Dollar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade