Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxtooyada oo ka hadashay Nin dil ka geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dayniile ayaa maanta gacanta ku dhigay nin hubeesan oo la sheegay in uu dil u geestay askari katirsanaa ciidanka Dowlada.

Agaasimaha Warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bogaadiyay shacabka iyo ciidanka booliika degmada Dayniile ee ku guuleestay in lasoo qabto ninka dilka geestay.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in wada shaqeyta ciidamada amaanka iyo shacabka ay suurta galineyso in lasoo qabto dad uu ku sheegay cadaw, waxa uuna cadeeyay in Muhiim tahay wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada amaanka.

”Ciidamada Booliiska iyo shacabka Degmada Dayniile waxay mudan yihiin in lagu bogaadiyo sida ay isaga kaashadeen in lasoo qabto gacan ku dhiigle ku eedeysan Shabaabnimo kaas oo dil ka geystay isla degamada, wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka oo sii xoogeysta waa tan kaliya ee suurta galin karta in cadawga si fudud looga sifeeyo dalka” ayuu yiri agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya.

Inta badan raga hubeesan ee dilalka ka geesta magaalada Muqdisho ayaa ka baxsan jiray gacanta laamaha amaanka, waxaana soo qabashada maanta ninkan dilka geestay kusoo aadeysaa xili la adkeeyay amaanka Caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxda & Mucaaradka Somaliland oo si kulul uga hadlay arrimaha deyn cafinta Somalia

Caydiid Ali

Wasiir Soomaali ah oo Shaqadiisa ku waayay cod laga duubay oo lagu baahiyay Baraha bulshada!

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho: “Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi doono”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---