Allbanaadir.com
NEWS

Ammaanka Muqdisho iyo caqabadaha jira oo Su’aalo la iska weediiyay (Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS mudane Maxamed Cali Xagaa, ayaa guddoomiyay shirka Hay’adaha Amniga oo lagu qabtay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Guddoomiye ku Xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Boliiska iyo NISA, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Guutooyinka Ciidanka Polizia Militare, Taliyeyaasha Qeybaha iyo Saldhigyada Caasimada ee Boliiska iyo Nisa.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa, in wax la iska weydiiyo xaaladaha ammaan Caasimadda sanadkaan 2023 ee sii dhamaanaya iyo qorshaha sugida iyo adkeynta amniga iyo xasiloonida ee sannadka soo socda ee 2024.

Sidoo kale, waxaa la isweydiiyay saraakiishana laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay sanadkaan iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan kan caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay Shirka loo qabanayo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Xiisad ka dhalatay dil xalay loo geystay Max’ed Cabdi Timir oo ka taagan Laas-caanood

Caydiid Ali

Ciidamada Galmudug oo ku sii dhowaanaya degmada Guriceel iyo barakac ka bilowday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---