Xiisad ka dhalatay dil xalay loo geystay Max’ed Cabdi Timir oo ka taagan Laas-caanood

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool xiisad ayaa ka taagan maanta gudaha iyo duleedka magaaladaas iyadoo dadweynuhu ay cabsi fara badan la soo deristay.

Xiisadan ayaa ka dhalatay dil xalay magaaladaas loogu geystay ganacsade caan ah oo magaciisa la oran jiray Max’ed Cabdi Timir, waxaana dilkaas ka dambeeyey rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan.

Maleeshiyo careysan oo ka soo jeeda beesha uu ka dhashay marxuumka la dilay Maxamed Cabdi Timir ayaa la sheegay inay saaka dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan magaalada Laascaanood taasoo walaac ku beertay dadka degaanka.

Maleeshiyada ayaa xirtay jidad iyo xaafado ku yaalla magaalada, iyagoo ku andacoonaya iney u aargudayaan ganacsadahan oo ay sheegeen in loo dilay aano qabiil iyagoo ku tuhmaya in dilkiisa ay ka dambeeyeen maleeshiyada beel kale oo magaaladaas wax ka degan.

Dilka iyo xiisadda ka aloosan magaalada Laascaanood ayaa dad badan  aaminsan yihiin iney salka ku heyso dagaal beeleedyo iyo aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gobolka Sool.

Maamulka Somaliland ee magaalada ka taliya ayaa ciidamo Boolis ah oo fara badan geeyey  qeybo ka mid ah magaaladaas si ay uga hor tagaan rabshado iyo isku dhacyo laga cabsi qabo iney dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -