Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaar Fiinal ah oo xalay ka dhici laheyd Sacuudiga oo Sabab yaab leh u baaqatay

Waxaa xalay lagu waday in garoonka kubadda cagta ee Riyaad ee Al-Awwal ee Boqortooyada Sacuudiga ka dhacdo ciyaar fiinaal ah oo u dhaxeysay kooxaha kubadda cagta ee Galatasaray iyo Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga.

Ciyaarta finalka ee Super Cup-ka Turkiga ayaa si lama filaan ah u baaqatay , xilli taageerayaasha tikitka ciyaarta jartay ay soo xaadireen garoonka , lana filayay in ciyaarta oo aheyd mid lawada sugayay bilaabato.

Khilaaf soo kala dhax galay masuuliyiinta labada kooxood ee ka dhisan dalka Turkiga iyo marti-galiyaasha ciyaarta ee Sacuudiga ayaa sabab u noqotay in ciyaartan dib loo dhigo, kaddib markii boorar ay wateen labada koox loo diiday in ay garoonka la galaan.

Sacuudiga ayaa diiday in garoonka ciyaarta ka dhaceysay ciyaartoyda labada koox ee Galasataray iyo Fenetbache la galaan  boorar ay ku qoran yihiin aabbaha “sharafta leh ee Turkiga casriga ah” Mustafa Kemal Ataturk.

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa sidoo kale loo diiday in gudaha garoonka la galaan funaanado uu ku sawiran yahay Ataturk oo ahaa hoggaamiyha aas aasaha Turkiga, sidoo kale soo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Turkiga sannadkii 1923-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Hotelka Doorbin

Cabdi Cade

Gabar uu dhalay Elman oo lagu dhax dilay xarunta Xalane ee Muqdisho

Cabdi Cade

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan oo kala saxiixday heshiis cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---