Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan Dhuusamareeb ku dhexmaray Qoorqoor & danjiraha Itoobiya (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku qaabilay qasriga madaxtooyada Dhuusamareeb Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Muktaar Mohamed Waare.

Danjiraha iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, ganacsiga iyo danaha guud gaar ahaan Galmudug iyo Ethiopia.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay howlgalo xoogan oo ka dhan ah Al shabaab ka wadaan degaano u yaalla Mudug iyo Galgaduud.

Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo hoos taga howlgalka midowga Afrika e ATMIS, waxayna DF ka taageeraan dhinacyada sugida amaanka iyo howlgalada ka socda dalka.

Related posts

Trump oo ka codsaday Madaxweyne Erdogan in uusan is adkeyn Nacasna iska dhigin !!

Cabdi Cade

Mucaaradka Kenya oo War cusub kasoo saaray Dibad-baxyadii ay kaga soo horjeedeen Dowladda

Cabdi Cade

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuqa degmada Buulo Burde (Faahfaahin)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---