Trump oo ka codsaday Madaxweyne Erdogan in uusan is adkeyn Nacasna iska dhigin !!

Warbaahinta caalamka ayaa baahisay warbixino kala duwana ka sameesay warqad uu Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump u diray 9-kii bishan Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Warqadan ayuu Madaxweyne Trump u diray Madaxweynaha Turkiga xili ay ciidamada Mareykanka ka baxeen Waqooyiga Siiriya ayna isku diyaarinayeen ciidamada Turkiga in halkaasi duulaan ku qaadaan.

Madaxweyne Trump ayaana warqada uga codsanayay Madaxweynaha Turkiga in ay hrshiis gaaraan ayna ka fogaadaan labada dhinac dhimashada kumanaan qof iyo dhaqaalaha Turkiga oo bur bura.

“Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa,” ayuu Trump ku qoray warqadda.

Waxaa sidoo kale Warqada ku qornaa “Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin, ha is adkeynin, ha noqon doqon .”

Mareykanka iyo Turkiga ayaa hada waxaa soo kala dhax galay xiisad ka dhalatay duulaanka Turkiga ku qaaday Kooxda Kurdiyiinta ee taageerada siin jirtay dowlada Mareykanka, waxa ayna Mareykanka wali Turkiga ku hayaan cadaadis xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -