Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka Kenya oo War cusub kasoo saaray Dibad-baxyadii ay kaga soo horjeedeen Dowladda

Dalka Kenya isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dibad-baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka Kenya ugu weyn ee Azimio , waxaana dibad-baxa looga soo horjeeday hab maamulka madaxweyne Ruto iyo sicir bararka.

Dibad-baxyadii ugu dambeeyay oo dhacay isbuucii lasoo dhaafay ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaa sidoo kale xabsiyada lagu guray tiro badan oo kamid ahaa dibad-baxayaasha.

Mucaaradka ugu weyn dalka Kenya ayaa sheegay in todobaadkaan ay ka nasanayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo sare ukaca maciishada , taas bedelkeedana ay sameyn doonaan feejignaan dadweyne oo lagu sharfayo dadkii lagu dilay dibadbaxyadii hore.

War kasoo baxay isbaheysiga Azimio ayaa lagu sheegay in dibad-baxyadii ugu dambeeyay ee dhacay lagu dilay dad gaaraya 50-qofood, sidoo kale ay jiraan boqolaal qof oo kale oo ku dhaawacmay dibad-baxyada.

Dibad-baxyadii ka dhacay dalka Kenya ayaa sababay in ay xirmaan goobaha ganacsi iyo sidoo kale goobaha waxbarashada, waxaa sidoo kale jira xarumo ganacsi oo lagu boobay dibad-baxyadii dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay hal sabab oo hakisay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo u digay dadka Carqaladeenaya Dimuquraadiyada Puntland

Cabdi Cade

Dal sharciyeynaya in dumarku mar kaliya isla guursan karaan dhowr nin (YAAB)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---