Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuqa degmada Buulo Burde (Faahfaahin)

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray qarax ismniidaamin ah ayaa ka dhacay degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmada Buulo Burde ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana uu ka dhacay Suuqa degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dadkii ku sugnaa suuqa oo xiligaas uu ka jiray mashquul badan.

Lama oga illaa hadda bartilmaameedka rasmiga ah ee qaraxan, waxaana guud ahaan hawada ka maqan isgaarsiinta degmadaas, mana jiro war ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan.

 

Related posts

Dayuuradaha Mareykanka oo duqeyn ka geystay degaan ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali

Xildhibaan ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay kusoo wareejiso Meydka askari saakay la toogtay

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay baaritaanka guriga Qunsulka Sacuudiga ee Istanbul

Caydiid Ali
Taboola Ads ---