Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Wasiir Khadiija Diiriye oo la keenay Muqdisho iyo R/Wasaare Xamse oo lasocda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuulin kale oo ka kooban Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo wada meydka Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XJFS Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka soo kicitamay Dalka Jabuuti, ayaa goordhawayd soo gaaray Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdishu, Halkaasi oo goor dhaw lagu tukan doono Salaadda Janaasada.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija, ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo maanta u sameynaya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriy

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa ee waday meydka Wasiiradii hore, Waxaa garoonka Jabuuti ka soo sagootiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe iyo Ben Fender oo arimo xasaasi ah kawada hadlay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidan badan oo kasoo jeeda Beesha Murusade iyo Gaadiil dagaal oo Muqdisho ka baxay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka degmada Luuq oo soo saaray war ka farxiyey dhalinyarada guurdoonka ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---