Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin Madaxweyne oo sameestay Isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Deni

Shan kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya isbaheysi cusub oo ka dhan ah madaxweynaha Puntland Siciid DEni.

Musharaxiintan isbaheystay ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen waxa ay sheegeen in ujeedka is-bahaysigan uu yahay in la xaqiijiyo doorasho nabdoon oo natiijadeeda lagu wada qanacsan yahay in ay ka qabsoonto Puntland 2024.

Xubnaha musharrixiinta isbaheestay oo kala ah Axmed Ciise Cawad, Aadan Shiikh Doon, Faarax Cali Shire, Cali Xaaji Warsame iyo Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa ugu baaqay musharaxiinta kale iyo odayaasha dhaqanka in ay qeyb ka noqdaan isbedel siyaasadeed oo ka dhaca Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad amartay in lasoo xiro Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya

Cabdi Cade

Ninka ugu taajirsan caalamka oo sadaqo u bixinaya labo bilyan oo dollar

Caydiid Ali

Muxuu Abaanduulaha cusub ee XDS ku soo arkay furumaha dagaalka ee Magaalada Marko? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---