Ku dhawaad boqol qof oo si bareer ah loogu xasuuqay gobolka Tillaberi

Kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay inay yihiin mintidiin Islaami ah ayaa weerartay laba tuulo oo ka tirsan Gobolka Tillaberi ee dalka Niger, halkaasi oo ay ku dileen ilaa 79 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ugu yaraan 49 qof ayaa lagu dilay halka 17 kalena lagu dhaawacay tuulada Tchombangou, halka 30 kalena ay ku dhinteen tuulada kale ee Zaroumdareye. Labadani tuulo ayaa ku dhow xadka dalka Niger uu la wadaagto Mali.

Rabshado ayaa in dhawaale ka dhacayay gobolka Saaxil ee qaaradda Afrika, kuwaasoo ay geysteen kooxo mintidiin ah.

Koox xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay seddex askari oo u dhashay dalka Faransiis oo Isniintii ka dhacay dalka Mali.

Faransiiska ayaa hoggaaminayay ciidamada xulafada galbeedka Afrika iyo kuwa reer Yurub ee ka dhanka ah mintidiinta islaamiga ahi ee galbeedka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -