Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay magaca sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab oo la dilay

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo garab ka helayay milatariga Soomaaliya ayaa duqeyn la beegsaday xubno la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ,kuwaa oo dowladda shegtay in ay dhibaatooyin badan horey u geesteen.

Taliyaha Ciidanka XDS Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa warbaahinta afka dowladda ku hadashay u sheegay in duqeyn lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo Al Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaallada .

Jeneraal Ibraahim Sheekh ayaa sheegay in 17-bishaan December duqeeyn diyaaradeed oo ka dhacday degmada Jilib lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo sidoo kale Al Shabaab u yaqaanaan Macalin Ayman.

Sargaalkan la sheegay in lagu dilay duqeynta ka dhacday degmada Jilib ayaa horey loogu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa weeraro culus oo ka dhacay gudaha Kenya, waxa uu sidoo kale abaabulay weeraro kale oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoonka Aqalka Sare & Danjire Madeira oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar katirsan ciidanka Booliiska oo xifdisay Qur’aanka Kariimka oo la dalacsiiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Askari dil u geestay Wiil Dhalinayro ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---