Xukun dil ah oo maanta lagu riday Askari dil u geestay Wiil Dhalinayro ahaa

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska oo dil bareer ah magaalada Baladweyne ugu geestay Wiil Bajaajle ahaa.

Askarigan katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabo Mahad Xuseen Shiidow ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida ku heshay in dil bareer ah u geestay Marxuum Yaasiin Cali Saneey oo ahaa darawal Mooto bajaaj oo ka shaqeesanayay Baladweyne.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa sheegay in Maxkamada xukun dil ah ku riday Mahad Xuseen uu sheegay in lagu helay in si bareer ah u dilay Marxuun Yaasiin Cali Saney.

Dil askarigan maanta xukunka dilka ah lagu riday 27 Bishii Setember ee Sanadkaan gudaha magalada Baladweyne ugu geestay Wiil Bajaajle ahaa ayaa dhalisay xiisad maalmo ka taagneyd magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -