Wasiir eedeymo kulul u jeediyey ciidanka Kumandoska Somalia ee Danab

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey dil habeen hore ciidamada kumandoska Somalia ugu geysteen degmada Wanle-weyn Macallin Nuur Cismaan Bilaal.

Xiisad ka dhalatay dilka Macallin Nuur ayaa wali taagan, waxaana magaalada ka dhacay dibad baxyo looga soo hor jeedo dilkaas.

Macallinka la dilay oo ka mid ahaa dadka degaanka ayaa maamule ka ahaa iskuul, isla markaana masaajidyada ka akhrin jiray kutub kala duwan oo diini ah.

“Ma aha wax la ogolaan karo in qof aan waxba lagu caddaynin inta habeennimo loo soo dhaco reerkiisa iyo carruurtiisa lagu hor dilo, haddana warqad la dul saaro oo la yiraahdo annagaa dilnay” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Wuxuu Wasiir Ugaas Xasan dalbaday in dawladda federaalka ay baaritaan samayso, ayagana ka maamul ahaan ay baaritaan sameeyaan.

“Wax loo adkaysan karo ma aha, 2018 gudaheeda tiro 8 qof ah ayey dileen iyagoo ku eedeynaya al-shabaab, mana jirto cid xaqiijisay dadkaas iney Al-shabaab ahaayeen ” ayuu sii raaciyey.

“Mar kasta oo aan u tagno, nooma sheegaan sabab rasmi ah iyo caddeyn ay u hayaan dadka ay dileen. Waa khalad in la iska dilo qof aan maxkamad la soo taagin, laguna caddeynin eedeymaha loo heysto. annagu ma diidanin in la maxkamadeeyo ama la dilo qof dambiile ah haddii lagu xaqiijiyo, laakiin waxaan ka soo hor jeednaa in xilli habeenimo ah qof gurigiisa loogu tago oo carruurtiisa hortooda lagu dilo” ayuu yiri wasiirka

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in arrintan ay ka warqabaan mas’uuliyiinta amniga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Koonfur-galbeed.

“Wasaaradda gaashaandhigga, wasaaradda amniga , guddiga difaaca ee Baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegaankan dhammaantood way ogyihiin waxa ka socda degmada Wanlaweyn, si kasta waan ula hadalnay, waana ka dalbannay iney dhibkan wax ka qabtaan”, ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -