Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyey

Qarax ayaa goor dhow oo caawa fiidnimadii ah waxaa laga maqlay bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa oo loo adeegsaday bamka gacanta laga tuuro lagu weeraray hoy ay degan tahay Guddoommiyaha ururka Haweenka Gobolka Bay oo ku yaalla xaafada Wadajir magaalada Baydhabo.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta qaraxu uu ka dhacay iyagoo howlgalo ka wada xaafadaha ku dhow guriga la weeraray.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Bay ay ka badbaaday qaraxa balse ay ku dhaawacmeen labo qof oo kala ah askari ilaalo u ahaa iyo haweeney shaqaale ka aheyd guriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -