Gaari goor dhow ku qarxay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa goor dhow oo galabta ah waxaa uu ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhashay miino lagu soo xiray gaari hor yiilay guri ku yaalla xaafada 1-da Maajo ee degmada Waaberi meel ku dhow Suuqa beerta.

Gaariga la qarxiyey ayey wararku sheegayaan inuu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugida qaranka oo xaafadaas degan.

Sida inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Waaberi, waxaa qaraxaas ku dhaawacmay wiil 12 jir ah oo ku dhowaa goobta uu gaariga ku qarxay.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca magaalada Muqdisho 24 saac gudahood, xalay ayeyna aheyd markii qarax dhimasho iyo dhaawac sababay uu ka dhacay degmada Hodan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -