(Daawo Sawirro) Burcad Mooto Bajaaj ku dhici jirtay shacabka oo laga soo qabtay Magaalada Muqdisho

Ciidanka booliska ayaa howlgal ay ka sameyeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ku soo qabtay dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado ay ku dhacayeen shacabka kuwaasoo Taleefanada iyo lacagta ka qaadanayay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay ku soo qabteen raggan ayagoo ku howlan dhaca shacabka.

General Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa shacabka ku amaanay xiriirka ay la sameeyeen booliska, isagoo sheegay in waxyaabaha maanka dooriye ay qatar ku yihin hab dhaqanka iyo caafimaadka bulshada.

Dhalinyaradan ayuu sheegay in lala soo qabtay mooto bajaaj ay u adeegsadn jireen iney kaga baxsadaan dadka ama goobta ay dhaca ka geystaan.

Sidoo kale Booliska ayaa soo bandhigay Mobile fara badan oo dhalinyaradan ay ka soo dhaceen shacabka magaalada Muqdisho kuwaasoo noocyo badan iskugu jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -