Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga oo Al Shabaab ka saaray saldhig weyn ay ku lahaayeen Mudug (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa saakay howlgal qorsheysan ku qaaday saldhigyo Al Shabaab ku lahaayeen deegaanno katirsan gobolka Mudug, kuwaa oo horey Al Shabaab ugu gacan adeegeen heesashadooda .

Ciidamo huwan ah oo ka kooban Danab, Gorgor iyo Daraawiishta Galmudug ayaa iska kaashaday weerarka lagu qaaday saldhig weyn oo ay ku lahaayeen buurta Babad oo koonfur ka xigta deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.

Abaanduulaha guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa warbaahinta  u sheegay in kooxda Al Shabaab ee ku sugneed aaga ay weerareen ay firxadeen, waxa uuna xusay in ay wali firxadka kooxdaasi kusii dabajiraan.

Waxa uu sheegay abaanduulaha in howlgalka saakay ka fuliyeen buurta Babad ku dileen xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uu sidoo kale xusay in Al Shabaab ka carareen agab kala duwan oo u yaallay saldhigga.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa muddooyinkan howlgalo ka waday koonfurta Mudug, waxa ayna ciidamada Al Shabaab ka saareen deegaanno dhowr ah oo horey gacantooda ugu jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari dil bareer ah qof Shacab ugu geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Mo Farah oo Shaaciyay in uu iska bedelayo Magaca uu caanka ku noqday

Cabdi Cade

Heshiiska Shidaalka ee DF & Turkiga oo Af-Soomaali ku qoran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---