Masjid weyn oo loogu magac daray Mid Ka Mid ah Suldaamadii Cismaaniyiinta oo laga dhisay …

Dowlada Turkiga ayaa magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti ka dhistay masjid weyn oo loo dhisay si qurux badan, waxaana masjidkan loogu magac daray Mid Ka Mid ah Suldaamadii Cismaaniyiinta  .

Hay’ada TDV oo turkiga u qaabilsan arrimaha diinta ayaa caasimadda Jabuuti ka dhistay Masjid halkii mar ay ku tukan karaa 6000 kun oo qof, masjidkan ayaana ku fadhiya dhul balaciisu dhan yahay 13,000 square mitir.

Masjidkan oo dhismihiisu socday mudo afar sano ah ayaa loogu magac daray Cabdulxamiid 2 oo ah ka mid ah suldaamadii boqortoyadii Cusmaaniyiinta, waxaana masjidkan laga dhisay dhul u dhaw Madaxtooyada jabuuti.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo  Afhayeenka barlamaanka Turkiga Mustafa Sentop ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan munaasabada lagu furayo masjidkan cusub ee laga dhisay caasimada Jabuuti.

Masjidkan oo loo dhisay sida masaajida Turkiga kuyaala ayaa dhismihiisa waxaa sanadkii 2015-kii balan qaaday Madaxweynaha Turkiga Rajab dayib Erdogan xiligaa uu booqasho ku tagay dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -