Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled oo lagu kordhiyey qeybo cusub & qalab casri ah (Sawirro)

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled oo ka mid ah Isbitaalada ugu waaweyn, uguna casrisan Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia ayaa waxaa lagu soo kordhiyey adeegyo cusub oo casri ah sida uu sheegay Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Dr. Maxamed Axmed Guuleed oo sidoo kale ah dhaqtar ku taqasusay cudurada wadnaha (Cardiology).

Dhaqtarka ayaa xusay in isbitaalka uu ka kooban yahay qeybo badan kuwaasoo kala ah, qeybta daweynta cudurada saableyda iyo neef mareenka oo ah qeybta ugu weyn iyo qeybaha, Wadnaha, Maqaarka, haweenka iyo Qaliinka guud.

“Qeybta Wadnaha haddii aan faahfaahin ka bixiyo waxaan hadda sameynaa baaritaanada wadnaha iyo dhiigmareenka ee aan gudaha loo galeynin (Non invisipe) sida kombiyuutarka wadnaha midka laga saaro feeraha korkiisa iyo midka hunguri mareenka laga sawiro, waxaan kaloo sameynaa CT-ga qaabilsan wadnaha (CT scans of the heart), baaritaanada wadnaha waxaa sidoo kale qeyb ka ah bushkuleeti bukaanka uu wadaayo si loo qiimeeyo Caafimaadka Wadnaha. sidoo waxaa jira Kombiyuutarka ECG-ga caadiga ah iyo midka waqtiga dheer” ayuu yiri Dr. Maxamed Guuleed oo intaa ku daray in dhowaan ay soo kordhin doonaan qalab cusub oo loogu talo galay in lagu ogaado dhaqdhaqaaqa wadnaha.

Dr. Max’ed Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in Isbitaalka uu leeyahay qeybo kale oo iskugu jira Sheybaar casri ah oo nooc kasta wax loogu baari karo, Kombiyuutarka Ultrasound-ka oo baaritaano badan qaabilsan, raajo digital ah oo ah noocyadii ugu dambeeyey ee caalamka laga isticmaalo iyo adeegyo kale oo Caafimaad.

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guuleed waxaa uu shaqeeyaa 24-ka saac si loogu adeego bulshada, waxaa uu leeyahay qeybo ay ka mid yihiin Bukaan eegto, bukaan jiif, gargaarka deg dega ah, qeybta qaliinka, Dentiste, Raajo, Sheybaar,  dhalmada oo 24 saac ah ah, farmashiye, qeybaha daweynta, haweenka, Caruurta iyo daweynta cudurada guud.

Isbitaalka Guled oo labo xarumood ku leh degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa aasaasay muddo haatan laga joogo 21 sano Prof. Dr Axmed Yusuf Guled oo ah dhaqtar ku taqasusay daweynta guud iyo cudurada neef mareenka iyo sambabada.

Dr. Axmed Yuusuf Guuleed waa dhaqtar Soomaaliyeed oo ku taqasusay daweynta cudurada gudaha iyo Sambabada (Consultant Internal Medicine & Pulmonology) waxaana uu ka mid ahaa dhaqaatiirtii ka soo baxay Jaamacadii hore ee Ummada, isagoo taqasusyo kala duwana ku soo qaatay dalal ka tirsan qaarada Yurub.

Prof. Guuleed oo leh khibrad shaqo oo 40 sano ka badan ayaa sidoo kale ah samafale si weyn uga qeyb qaatay 30kii sano ee la soo dhaafay ogaanshaha iyo daaweynta cudurka Qaaxada, taasoo si weyn wax uga tartay dedaalka loogu jiro ciribtirka cudurkan oo dhibaato xoogan ku hayey bulshada. iyadoo Isbitaalkiisa uu daawo iyo la talin Bilaash ah siiyo dadka la ildaran cudurka Qaaxada ama TB-da, taasoo ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan oo haatan cudurkaas halista ah ka xoroobay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -