Wiil Afar sanno jir dhaawac ah oo la waayay Su’aashiisa cid uga jawaabta !

Cumar oo afar jir ah oo dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ayaa su’aashan waydiinaya dadka ku sugan isbitaal ku yaalla Qasa oo dhaawaciisa lagu dabiibayo.

”Aaway hooyo?Aaway ayeeyo?Aaway dadkii oo dhan?

Qaraabadiisa oo hadda gacanta ku haya ayaa sheegaya in su’aashaan aaney jawaab u haynin.

Moin Abu Rezak, ayaa yiri, “Markii uu iwaydiiyay qoyskiisa, waan ka jawaabi waayay.” Aad ayaan u wareeray oo waxaan isku dayay inaan su’aasha iska ilaaliyo anigoo ka hadlaya wax kale sida ilmo.

Xaaladda Cumar, oo la dhigay isbitaalka Al-Aqsa ee Qasa, ayaa ah mid halis ah.

Dhakhaatiirtu waxay ku qasbanaadeen inay Cumar ka gooyaan gacanta bidix iyadoo lugta midigna uu dhaawac kaga yaallo.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo laabta iyo wejiga ka soo gaaray. Cumar ayaa sidoo kale dhaawac ka ah daanka waxaana jirkiisa ku duuban faashado badan.

Ilmahaan yar ee saqiirka ah ayaa dhaawacyadan soo gaareen kadib weerar Israa’iil ay gaysatay oo ay ku nafwaayeen 35 xubnood oo qoyska Cumar ka tirsanaa. Cumar hooyadiis, aabbihiis iyo ayeeyadiis ayaana ka mid ahaa dadka dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -