Ra’sul Wasaare Abiy Axmed oo Saacado kama Dambeys ah u qabtay Ciidamada Tigrey

Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waqti kama dambeys ah u qabtay in ay isku soo dhiibaan ciidamada Tigrey ee daacada u ah xisbiga TPLF ee ka arimiya ismaamulka gobolka Tigrey.

Abiy Axmed ayaa 72-saacadood u qabtay in ay isku soo dhiibaan ciidamada u dagaalamaya TPLF, waxa uuna sheegay Abiy in la joogo meel gebo gebo ah aan laga noqon karin ayna ciidamada ku siqayaan caasimada Tigrey.

“Waddadi burburka ee aad hayseen xilligi la soo afjari lahaa in hadda la joogo, balse intaa ka hor waxaan markale idinkuugu baaqayaa 72 saac gudahood si nabad ah inaad dowladda isugu soo dhiibtaan, maadaamaa hadda la joogo meel aan laga noqon karin, Fursaddan ugu dambeysa ka faa’ideysta.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaana ka codsaday xoogaga taageersan maamulka Tigrey in si nabad galyo ah hubka u dhigaan iskuna soo dhiibaan, waxa uuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Makelle ee caasimada Tigrey in ay soo dhaweeyaan ciidamada Federaalka.

Hogaamiyaha maamulka Tigrey Debretsion Gebre-michael  ayaa dhankiisa sheegay in aysan is dhiibi doonin ayna diyaariyeen qorshe dagaal rogaal celis ah oo ay kaga adkaanayaan ciidamada federaalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -