Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Afrika oo markii ugu horeysay marti gelineysa Tartanka Olombikada dhallinyarada

Senegal ayaa noqoneysa dalkii ugu horeeyey afrikaan ah ee martigalin doona ciyaaraha xilliga qaboobaha ee Olombikada dhallinyarada sannadka 2022ka.

Guddiga caalamiga ah ee olombikada ee magaciisa loo soo gaabiyo ee IOC ayaa manta arrintaas kaga dhawaaqay magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Sida ay IOC ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo saartay Afar dal oo kale oo Afrikaan ah oo kala ah Botswana, Nigeria, Senegal iyo Tunisia ayaa u loolamayay sidii ay u martigalin lahaayeen tartankaas, balse wixii ay Senegal la shir tagtay ayaa lagu qancay.

Saddex magaalo oo kala ah caasimadda dalka Senegal ee Dakar, magaalada cusub ee Diamniadio oo hadda gacanta lagu hayo iyo magaalada xeebta ku taalla ee Saly  ayaa marti gelin doona tartankan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Walaac xoogan oo laga muujiyay Hanaanka loo marayo maamul dhisida Hirshabelle

Cabdi Cade

Abu Mohammed al-Golani oo eedeyn culus u jeediyey Israel

Caydiid Ali

Coronavirus oo gaaray 50-ka gobol ee Maraykanka & dadka u dhintay oo sii kordhay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---