Wasiirka A/Dibadda Somalia oo sagootiyay Safiir dhameystay muddo xileedkiisa shaqo (Daawo Sawirro)

asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa quraac sharafeed u sameeyay Mudane Mohammed Yousuf Ibrahim Abdulmanan Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ay ka idlaatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ammaanay dadaalada uu muujiyay Danjire Maxamed Yuusuf ee xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo xusay heerka uu gaaray xiriirka walaalnimo ee isku xira Soomaaliya iyo Suudaan, waxaanu u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howlaha kale ee cusub ee dowladdiisu u igman doonto.

Safiirka Suudaan ee waqtiga loo idmaday howsha diblomaasiyadeed ka idlaatay ayaa ka mahadceliyay taageerada uu la kulmay muddadii uu howsha diblomaasiyadeed u joogay Soomaaliya, isagoo bogaadiyay xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dal u dhexeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -