Madaxda sare ee Galmudug oo la kulmay C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay wafdi uu hogaaminayo Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ka tirsan Jabhada ONLF.

Waxaa uu sidoo kale kulan la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale.

Madaxweyne Xaaf oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay Qalbi-dhagax oo xor ah, wuxuuna ugu baaqay inuu ka qeyb qaato nabadeynta Soomaalida

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa Mas’uuliyiin Galmudug iyo shacabkii kusoo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, uga mahadceliyay sida diiran ee ay uga soo qeybgaleen soo dhaweyntiisa, isagoo balan-qaaday inuu ka qeyb qaadan doono walaaleynta Soomaalida.

Qalbi Dhagax ayaa safaro kala duwan ku kala bixinaya degaano ka tirsan Soomaaliya, isagoo horey u soo maray Magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -