Akhriso:12 nooc oo Cabitaanka la miira ah oo misaanka Qofka hoos u dhigaya

Inta badan dadka waxay ay jacliyihiin inay cabaan cabitaanka la miiro, iyagoo ka cabsanaya hadii ay cabaan cabitaanka sonkorta ku badan in ay  kula kulmi karaan dhibaatoyin xagga jirka ah.

Waxaana jirta inay  dad badan ay iska jaahil tirayaan  in qaar ka mid ah cabitaanka qalalan inay hoos u dhigyaan miisaanka,iyadoo la sheegay in qaar badan oo cabitaanka ka mid ah ay sababi karaan hoos u dhaca miisaanka qofka,sababtoo ah qaar ka mid ah cabitankaasi fudud waxaa ka buuxa dufan jirkaada u baahan  iyo borotiinaad  oo kugu saacidi kara inaad waqti dheer wax baahi ah aadan dareemin.

Laakiin waxyaahaba la isku-dardaray ee qadada ah oo uu ku jira cabitaanka qaar waxay faaido weyn u yihiin ,maqaarka,timaha,lafaha, wadnaha sidoo kale caanaha  iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan kuwaasi oo la sheegay laguna ogaaday cilmi baaris inay qofka faa’ido weyn uga fadhiyaan.

Khubarada ku xeel dheer nafaqada jirka waxa ay dadka ku waaninayaan  inay cabitaanka la miiro ay haboon tahay in la isticmaalo xiliga quraacda maxaa yeelay waxay jirka ka saacideysaa karka zaa’idka ah ee maalintii waxay qofka dareensiinaysaa dherag saacado dheer oo maalintii ah.

Waxaa kaloo jiraa in cabitaanka 12-ka nooc aynu soo sheegnay inay  kuga saacidayaan hoos u dhaca culeyska jirkaada sidii aad uga takhalusi laheyd cayilka Zaa’idka ah ee ku kordha culeyska jirkaada.

12 kaa nooc aynu soo sheegnay ee cabitaanka ah, waxa ay ka kooban yihiin lowska qudaarta nooca Hindiga ah,Mowska,tuunka ,qaranfoolka, liinta bortaqaalka ah,fuulka  suudaanta,Canbaha,Shukalatada,Tufaaxa,baabaayga cabitaanada aan soo sheegnay oo dhan waxay faa’ido u yihiin jirka waxayna jirka qofka ka dhigayaan mid ka maran Cusbada Zaa’idka ah.

W/D:-Muqtaar Maxamed Xasan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -