Xulka France oo gudbay Final ka dib markii ay cagta mariyeen rajadii Afrika & Carabta (Sawirro)

Xulka France ayaa u gudbay finalka koobka Aduunka iyagoo wajihi doono xulka Argentina oo iyana xalay finalka u soo baxay.

France ayaa 2-0 ku garaacday semi-finalka xulka Marooko, waxaana goolasha u dhaliyey Theo Hernandez daqiiqadii shanaad iyo Randal Kolo Muani daqiiqadii 79aad.

France ayaa Axada la ciyaareysa Argentina oo iyana raadinaysa inay qaado koobka aduunka oo ay mar hore ugu dambeysay.

Inkastoo Marooko laga badiyey caawa haddana waxay France la ciyaareen kulan adag, waxayna qaarada afrika iyo carabtaba gaarsiiyeen meel aysan abid horey u gaarin taasoo amaan badan ay muteysteen.

Su’aasha taagan waxay tahay France ma difaacan doontaa koobka aduunka ee ay hadda heysato mise Messi iyo Xulkiisa Argentina ayaa Axada la hoyan doona koobka Aduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -