Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo lagu xukumay 50 bilyan oo ah magdhowga dilka Qasem Soleimani

Maxkamad ku taalla Tehran ayaa ku xukuntay dowladda Mareykanka inay bixiso ku dhawaad $50 bilyan oo ah magdhowga dilka taliyihii ugu sarreeyay Iran ee ku dhawaad afar sano ka hor, waaxda garsoorka ayaa sidaas sheegtay maanta.

Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump ayaa amar ku bixiyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Baghdad, taasi oo lagu dilay Jeneraal Qasem Soleimani, oo 62 jir ahaa, iyo ku-xigeenkiisa Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, 3-dii Janaayo 2020.

Maalmo kadib, Iran ayaa ku aargudatay inay gantaallo ku ridday saldhigyo ku yaalla Ciraaq oo xarun u ah ciidamada Mareykanka iyo xulufadooda. Ma jirin wax shaqaale Mareykan ah oo ku dhintay weerarada balse Washington ayaa sheegtay inay maskaxda ka gaareen dhaawac argagax.

Wakaaladda wararka waaxda cadaaladda Iran ee Mizan Online ayaa sheegtay in maxkamadda Tehran ay ku xukuntay dowladda Mareykanka $49.7 bilyan oo ah “magdhow maal, maskax iyo ciqaab” kadib markii ay dacwad gudbiyeen in ka badan 3,300 oo Iiraaniyiin ah.

Maxkamadda ayaa dambiyo ku heshay 42 qof oo ay ku jiraan Trump, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, iyo xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mark Esper, ayey tiri wakaaladda wararka Mizan.

Qasem Soleimani ayaa ahaa taliyaha guutada Qudus, oo ah garabka howlgallada arrimaha dibedda ee Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah.

Waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dalka ee hormuudka ka ahaa hawlgallada Bariga Dhexe ee Iran, waxaana loo arkayay inuu ahaa geesi ka qayb qaatay dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-88.

Maxkamadaha Iran ayaa hadda riday xukuno dhowr ah oo ka dhan ah Mareykanka.

Bishii la soo dhaafay, maxkamad Irani ah ayaa ku xukuntay dowladda Mareykanka inay bixiso $420 milyan oo ah magdhowka dhibanayaasha howlgalkii dhicisoobay ee 1980-kii la doonayey in lagu soo furto dad lagu haystay safaaradda Mareykanka ee Tehran.

Bishii Agoosto, maxkamadda Tehran ayaa ka dalbatay Washington inay bixiso $330 milyan oo ah magdhowka “qorsheynta afgambi” dhacay 1980-kii oo ka dhan ahaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Xukunadaas ayaa waxaa dhanka kale dhinac socda xukuno balaayiin dollar ah oo ka dhan ah Tehran oo ay ridaan maxkamadaha Mareykanka.

Sanadkii 2016, Maxakamdda Sare ee Mareykanka ayaa xukuntay in hantida la hakiyey ee Iran ee Mareykanka laga bixiyo magdhowga weerarada ay Washington ku eedeysay Tehran, oo ay ku jiraan qaraxii 1983-kii lagu qaaday xeendaabka ciidamada Marines-ka Mareykanka ee Beirut iyo qarax 1996-kii ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Tehran ayaa beenisay dhammaan mas’uuliyadda weeraradaas.

Source:VOA

Related posts

Dad ka badan 260-qof oo Sacuudiga Cumra u aaday oo loo diiday in dalkaasi galaan

Cabdi Cade

Khasaarahii ka dhashay roobkii ka da,ayay Muqdisho iyo Dhismihii ku dumay Xamar Weyne !!

admin

Faah faahino kasoo baxaya dil goordhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Cabdi Cade