Faahfaahin: Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo ku dhaawacmay qaraxii Garoowe

Faahfaahino hordhac ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Garoowe caasimada Puntland caawa fiidnimadii.

Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal qof ismiidaamiyey ayaa isku qarxiyey gaari ay la socdeen Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Gujir iyo Taliyihii hore ee qeybta Booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli oo gaariga la saarnaa.

Labada masuul  ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxan, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Garoowe mana jirto faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan heerka uu gaarsiisan yahay dhaawacooda.

Sidoo kale, weli lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxan marka laga soo tago saraakiisha dhaawacmay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili maantay magaalada Boosaaso lagu dilay masuul ka tirsanaa Wasaaradda Maalliyadda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -