(Sawirro) Israel oo duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Ilalada Kacaanka Iiraan

Duqeyn ay Israa’iil Sabtida maanta ah ka fulisay caasimadda Suuriya ayay ku burburisay dhismo ay adeegsadaan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar Iiraaniyiin ah, sida ay wariyeen warbaahinnada dowladaha Suuriya iyo Iiraan.

Telefishinka qaranka Iran ayaa wariyay in afar la-taliye oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka lagu dilay duqeynta ka dhacday magaalada Dimishiq, iyadoo aan sheegin magacyada la taliyeyaasha la dilay. TV-ga ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay ka dambeysay weerarka.

Wargeyska Nour News oo la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay sirdoonka dalka Iiraan ayaa isna sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay lagu kala magacaabi jiray Gen. Sadegh Omidzadeh, oo ahaa ku-xigeenkii sirdoonka ee ciidamada ilaalada Quds ee Suuriya iyo ku xigeenkiisa.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya oo ah hay’ad mucaarad ah ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof oo shan ay Iiraaniyiin yihiin iyo mid Suuriyaan lagu dilay weerarka loo adeegsaday gantaallada oo dhacay xilli saraakiil ka tirsan kooxaha ay Iran taageerto ay shirayeen. Madaxa hay’adda, Rami Abdurrahman, ayaa sheegay in saddex ka mid ah Iiraaniyiinta ay ahaayeen taliyeyaal, isaga oo intaa ku daray in afar qof oo kale wali lagu la’yahay burburka hoostiisa.

TV-ga dowladda Suuriya ayaa sheegay in weerar uu ku tilmaamay “gardarro Israa’iil” lagu beegsaday dhismo ay dad deggan yihiin oo ku yaalla xaafadda sida adag loo ilaaliyo ee Mazzeh ee galbeedka Dimishiq, halkaasi oo ay ku yaallaan dhowr safaaradood. Duqeynta maanta ayaa ka dhacday meel ku dhow safaaradaha Venezuela iyo Koonfur Afrika.

Sarkaal xaaladda la socda ayaa sheegay in dhismahan ay adeegsanayeen saraakiisha ilaalada kacaanka, isagoo intaa ku daray in “gantaallada Israa’iil” ay burburiyeen gebi ahaanba dhismaha, isla markaana 10 qof ay ama ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarka. Sarkaalkan ayaa ka tirsan koox ay Iiraan taageerto, laakin waxa uu codsaday in aan magaciisa la sheegun maadaama uusan fasax u haysan in uu ka hadlo arrimaha ammaanka.

- Advertisement -