Wasaarada Caafimaadka DF oo karantiilaysa dadka ka yimaada 14 dal (Akhriso)

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay ogeysiinaysaa dhammaan muwaadiniinta imanaya dalka in ay raacaan kuna dhaqmaan tallooyinkaan soo socda:

B. Dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka mid ah liiska hoose ay gali doonaan karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa maalinta ay yimaadaan:

1. Shiinaha
2. Yurub
3. Maraykanka
4. Koonfurta Kuuriya
5. Australia
6. Canada
7. Turkiga
8. Pakistan
9. Masar
10. Hindiya
11. Imaaradka Carabta
12. Malaysia
13. Sacuudiga
14. Koonfur Afrika

T. Waxa ay Wasaaradda Caafimaadka faraysaa muwaadiniinta ka imaanaya wadamada ka baxsan kuwa kor ku xusan in ay mudo 14 beri ah:

• Xaafadahooda joogaan si ay uga fogaadaan tagista
meelaha lagu badanyahay.
• Inay ka fogaadaan qoyska intiisa kale oo goob ay
kaligood ku yihin guriga dhexdiisa ka joogaan.
• Waa in ay wax ku cunaan ama ku cabaan weel u gaar
ah.
• Waa in ay ka taxadaraan nadaafada suuliga iyo agabka
kale oo ay qoysku wada isticmaalaan
• Hadii ay isku arkaan calaamadahan ay ka midka yihiin
qandhada, qufaca iyo neef-qabashada waa in ay soo
wacaan 449 si loo caawiyo

J. Waxa ay Wasaaradda Caafimaadka ku adkaynaysaa
muwaadiniinta imaanaya in ay ku dhaqmaan ayna
fuliyaan awaamiirta iyo tallooyinka kor ku xusan.

Dhammaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -