Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay Moqokori (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta soo gaaray degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaana ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalab-ka Sida.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiyaha Degmada Moqokori iyo shacabka degmada ayaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa socdaal shaqo ku marayay maalmihii ugu dambeeyay degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe iminkana waxa uu u soo gudbay Gobalka Hiiraan.

“Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori kaddib markaan xorreynay. Waad dhabar adeegteen maanta waxaa la joogaa waqtigii aad guran-laheydeen miraha Dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Hirshabeelle waxana uu ka mahadceliyay sida maanta loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori.

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo Codsi deg deg ah u diray Golaha Amaanka ee Q/Midoobay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo soo gaaray Muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliye ciidan u magacaabay Admiral Cabdi Warsame

Cabdi Cade
Taboola Ads ---