Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Booliiska Garawe oo gacanta ku dhigay hooyo la baxsaneysay gabdho ay dhashay

Ciidamada booliiska ee maamulka Puntland ayaa magaalada Garawe ku qabtay hooyo lavu eedeeyay in labo gabdhood oo ay dhashay kala soo baxsatay aabihii dhalay ayna dooneysay in ay geyso deegaanno ka baxsan Puntland.

War kasoo baxay taliska booliiska magaalada Garawe ayey ku sheegeen in booliiska gacanta ku hayaan hooyada magaalada Gaalkacyo kala soo baxsatay labo gabdhood ay dhashay, waxa ayna xuseen in carruurtaasi ula baxsaneysay magaalada Boorame.

”Ciidanka booliska Puntland gaar ahaan xafiiska laanta barista danbiyida C.I.D gobalka Nugaal ee Garawe ayaa Gacanta ku dhigtay Fahiimo Daahir Aadan, taasoo ku edaysan in ay labo ilmood oo gabdha ah oo ay dhashay kala soo fakatay magalada Galkacyo una socotay magalada Boorama oo ay kasoo safartay awal, isaga oo aan ogayn Aabihii masulka ka ahaa ilmahaas” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Puntland.

Booliiska Puntland ayaa sheegay in hadda hayaan hooyada iyo labada gavdhood ay dhashay ay kala soo fakatay aabihii dhalay oo horey u heestay, waxa ayna xuseen in carruurtaasi dib ugu wareejinayana aabihii dhalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Arday guursaday macalimaddiisa oo 48 jir ah oo jaceyl u qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Jubbaland oo War kulul soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlad caalamka ka tirsan oo dhul ay leedahay u hibeysay dowlad kale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---