Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor Qoor oo shaaciyay Doorka uu ka qaadanayo Doorashada la isku hayo

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo habka Foggaan aragga Ee Zoom-ka uga qaybgalay Shirkii 5aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa ka jeediyey khubad muhiim ah oo khuseysa dhinacyada; Dib-u-heshiisiinta, Doorashada & Amniga.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Madashani muhiimad gaar ah u leedahay ummadda Soomaaliyeed isagoona ku booriyey dhamaan masuuliyiinta iney labanlaabaan dadaalka loogu jiro xoojinta midnimada, wadajirka, isku tashiga, isku tanaasulka umadda soomaaliyeed, si loo ilaaliyo mustaqbalka jiilka soo socda, dhidibadana loogu aaso dowlad waarta.
 
Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug qaadanayso door shariif ah, si loo yareeyo culeysaadka iyo xumadaha ay leedahay doorashadu.
 
“Galmudug waxa ka go’an taabagelinta iyo hirgelinta heshiisyadii Dhuusamareeb (1,2.3) iyo dhameystirka heshiiska oo lagu qabtey magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in natiijada siyaasad xasiloon ay ka dhalan karto, bulsho midaaysan, walaalo ah, gacmaha is heysto oo kuna dhaqma sharci iyo dastuur dameystiran ayuu yir.
 
Ugu dambeyntii madaxweynuhu wuxuu sheegay in Galmudug ay diyaar utahay in ay qeyb mug leh ka qaadato dib u dhiska dalka, xasilinta siyaasadda, sugidda amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xarunta lagu tabarayo Ciidanka jooga Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaabiis lagu dhax dilay Xabsi kuyaala gobolka South Carolina

Cabdi Cade

Waddan Yurub ku yaalla oo lacag ku bixinaya in la dego qaybo ka mid ah dalkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---