Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmad Madoobe oo safar dhul ah ku tagay degmada..

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmada ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha Magaalada isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa u tagay Degmada Afmadow dardar galinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ayaa dhawaan isku furay wadada isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow oo qeybo ka mid ah ay joogeen kooxda Al shabaab.

Related posts

Lamaane Xaflada arooskooda lagu galbiyay Digsi weyn iyo Sababta Keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaraxyo Ismiidaami ah oo lagu weeraray Garoon kubada lagu ciyaaro

Cabdi Cade

Mustaqbalka Abiy Axmed ee Hogaaminta Itoobiya iyo Xaaladaha adag ee ku gadaaman

Cabdi Cade
Taboola Ads ---