Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo ammartay in laga guuro xaafado kuyaalla magaalada Khan Younis

Ciidamada  Israa’iil ayaa isku sii fidinaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamada sii kordhiyeen gumaadka ay u geesanayaan shacabka reer Falastiin ee degan qeybo kamid ah Gaza.

Milatariga Israa’iil ayaa ku amray shacabka Falastiin ee degan xaafado katirsan magaalada Khan Younis ee Gaza in ay halkaasi isaga guuraan, waxa ayna ciidamada sheegeen in magaaladaasi ka fulinayaan howlgalo gaar ah.

Shacabka ku dhaqan qaybo ka mid ah Khan Younis ee Koonfurta Gaza ayaa lagu amray in ay u guuraan dhinaca xeebta Mediterranean iyo aaga Rafah, oo u dhow xadka Gaza la wadaagto dalka Masar.

Xaafadaha ciidamada Israa’iil amreen in shacabka ka guuraan ayaa waxaa kunool dad ka badan 160,000 oo qof, dadkaasi ayaana hadda wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, iyagoo markii hore la kulmayay duqeymo iyo go’doomin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qaraxyo xoogan oo caawa laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo fariin culus hawada u mariyey Masuuliyiinta Puntland

Caydiid Ali

Dagaal Xoogan oo dhax maray ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab & Odawaa oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---