Madaxweyne Biixi oo fariin culus hawada u mariyey Masuuliyiinta Puntland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa sii deynayo Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii degaanka tukaraq ku dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Puntland ay u wadaan Nabad iyo walaaltinimo iyo inay xasilooni ku wada noolaadaan,isla markaana uu dhexmaro ganacsi iyo xiriir wanaagsan si looga gudbo dhibaatooyinkii horay u dhexmaray.

“Puntland waxan ugu baaqayaa waxaannu idiin wadnaa nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka sheegay xaflad xalay ka dhacday magaalada Hargeysa.

Maamulka Puntland oo khilaaf dhinaca xuduudaha ah uu kala Somaliland ayaan weli ka jawaabin baaqa nabadeed ee ka so yeeray Madaxweyne Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -