Dagaal Xoogan oo dhax maray ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab & Odawaa oo ka hadlay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay maleeshiyada macawiisley ah iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Qabdho oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Milatariga iyo kuwa maleeshiyaadka la socday ayaa weerar ku qaaday deegaanka Qabdho ay joogeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in dagaalka ciidankooda ku dileen ku dhawaad 10-dagaalyahan oo katirsan Al Shababa sidoo kale hub kusoo furteen.

Waxa uu sheegay Jeneraal Odawaa in ujeedka howlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Qabdho uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al Shabaab islamarkaasna shacabka looga dul qaadilahaa dhibaatu uu sheegay in ay ku hayaan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli maamulka gobolka Hiiraan ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo godoomisay deegaano iyo degmooyin badan oo katirsan gobolka Hiiraan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -