Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo arrimo badan iska kaashanaya (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah kujooga caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh ayaa kulan labo geesood ah la qaatay dhiggiisa Sacuudiga Amiir Cabdicasis Bin Sacuud Bin Naayif Bin Cabdicasis .

Labada wasiir ayaa kulankooda inta uu socday uga wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah, waxaana qodobada diirada saareen kamid ahaa adkeynta xiriirka labada dhinac, iskaashiga labada wasaaradood ee howlaha la xiriira, xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagixisada, tahriibka sharci-darrada (Irregular migration), xasilinta deegaanada laga xoreeyey Al Shabaab, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

Wasiir Cabdulcasiis ayaa ammaanay guulaha dawladda Soomaaliya ay ka soo hoysey la dagaalanka kooxda Alshabaab asagoo adkeeyey Boqortooyada Sucuudiga Ay garab taagan dadaalada Soomaaliya lagu xasilinayo iyo xoojinta dawladnimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeeneysa xoojinta xiriirka kala dhaxeeya dowladaha Carabta, waxaana horey dowladda Soomaaliya heshiisyo kala duwan ula gashay dowlado Sacuudiga kamid tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Suuqyada Muqdisho oo maanta xiran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo soo celiyay Guri mudo 28-sano ah xoog lagu heestay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qax ka bilowday gobol katirsan Mareykanka iyo Madaxweyne Biden oo Digniin…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---