Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade caan ah oo kasoo jeeday Koonfur Galbeed oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Kooxo hubeysan oon wali heybtooda la garan ayaa saakay salaadii subax  magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay ganacsade caan ah oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Koomfur Galbeed Soomaaliya.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabayay Ibraahim C/raxmaan Cabdi ayaa sidoo kale ahaa guddoomiyaha bulshada kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee kunool gobolka Bari maamulka Puntland.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado watay rasaas la dhaceen marxuumka xilli uu kasoo baxay masaajid uu salaada subax kusoo dukaday, waxa ayna kooxdan dilka ganacsadaha kaddib si deg deg ah uga baxsadeen goobtii ay dilka ka geesteen.

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa sameeyay howlgalo ay ku baadigoobayeen kooxdii dilka geesatay, lamana sheegin ilaa hadda cid loo soo qabtay falkan dilka ah.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale magaalada Boosaaso loogu dilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland, ninkan ayaana lagu dhax dilay gurigiisa oo kuyaalla magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lacag uu sanado u aruursanayay in uu ku guursado Sabab layaab leh ku waayay 

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Mashaariic laga hirgalinayo Baraawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal ka dhacay degmada Doolow iyo Col. Shuute oo ku xanibmay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---