Nin lacag uu sanado u aruursanayay in uu ku guursado Sabab layaab leh ku waayay 

Nin u dhashay dalka Pakistan ayaa waxaa lasoo darsay niyad jab xoogan iyo murugo kadib markii lacag uu sanado aruursanayay si uu ugu guursado si lama filaan ah uga cunay dooni ama jiir hadba saad u taqaan.

Maxamed Asif oo kasoo jeeda  gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan, ayaa mudo sanado ah lacagta uu helo ku aruursanayay armaajo uu lahaa si marka ay u badato ugu guursado lacagtaasi.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa xili arooskiisa ka hareen maalmo yar dib ugu laabtay armaajadii uu lacagta ku keydsanayay si lacagtaasi ugu guursado, hasa ahaatee ninkan ayaa la kulmay murugo kadib markii lacagtii uu aruursaday dhamaan dooli ka cunay.

Warbaahinta dalka Pakistan ayaa sheegtay in Maxamed Asif aad uga niyad jabay arooska kadib markii lacag gaareysa 3-kun Dollar uu aruursaday dooli kawada cunay, waxaana dib u dhac ku yimid qorshihii uu ninkaasi ku aroosi lahaa maadaama uusan lacag heysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -