Israa’iil oo shaacisay tirada weerarada dhinaca cirka ah ay ka fulisay magaalada Gaza

Ciidamada arxanka daran ee Istaa’iil ayaa wali magaalada Gaza deegaanno badan oo kamid ah ku garaacaya gantaalo aad u culus, waxa ayna halkaasi ku dilayaan shacab u badan carruur iyo haween.

War kasoo baxay ciidamada milatariga Israa’iil ayey ku sheegeen tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas 7-dii bishii October magaalada Gaza ka fuliuyeen in ka badan 10,000 oo duqeymo dhinaca cirka ah.

Israa’iil ayaana sheegtay in duqeymahaasi khasaarooyin xooggan ku gaarsiiyeen kooxda Xamaas ay dagaalka kula jiraan, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay bur buriyeen saldhigyo badan oo laheed kooxda Xamaas.

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy ayaa ku dhawaaqay in ciidammada Israa’iil ay awood u yeesheen inay aqoonsadaan 800 oo godad dhulka hoostiisa mara oo ku yaalla Qasa, kuwaas oo 500 oo ka mid ah la burburiyay sida uu sheegay.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymaha dhinaca cirka ah ka sokow magaalada Gaza ka wada duullaan dhinaca dhulka ah , waxa ayna ciidamada si micno darro ah u dilayaan qof kasta oo Falastiini ah oo ay arkaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -