Dowladda oo Faah faahisay howlgalkii Hilow Bacaad iyo Khasaaraha Al Shabaab ku gaaray

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ka badan 60 ka tirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga, kaa oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8-km u jira deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayey dowladda sheegtay in lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Al Shabaab oo isku aruursanayey Tuuladaan isla markaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay intii howlgalka socday in ciidanka huwanta ah burburiyeen saanado ciidan iyo gaari Dameero ay Al Shabaab ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada  dadka deegaanka ayaa hadda wada howlgal ay ku baadi goobayaan xubno baxsad ah oo ka bad baaday weerarka cirka, kuwaa oo la tuhmayo in dhinaca duurka ku firxadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -