Daanyeer Bas rakaab saaran yahay waday iyo Darawalkii u dhiibay oo la ganaaxay (Sawirro)

Darawal bas oo u dhashay dalka Hindiya ayaa laga duubay muuqaal dad badan aad u daawadeen , kadib markii darawalkan gaari bas ah ay saarnaayeen rakaab badan u dhiibay  Daanyeer si uu u wado.

Gaariga baska ah ee loo dhiibay daanyeerka ayaa waxaa saarnaa sodomeeyo rakaab ah kuwaa oon wax cabasaho ah ka muujin daanyeerka loo ogolaaday in uu kaxeeyo baska ay saarnaayeen.

Muuqaal laga duubay daanyeerkan baska waday ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada loona daawaday, waxa ayna dhacdadan noqotay mid siyaabo kala duwan dadku uga hadleen.

Shirkada iska leh baskan uu waday daanyeerka ayaa si weyn uga carootay dhacdadan, waxa ayna maamulka shirkada si deg deg ah shaqo joojin ugu sameeyeen darawalkii daanyeerka baska u dhiibay.

Afhayeen u hadlay shirekada baska leh ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in khatar la galiyo nolosha rakaabka, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in gaari dad badan saaran yihiin lagu aamino daanyeer in uu wado.

Daanyeerka baska waday ayaa waxaa watay rakaab fariistay shirka baska, darawalka baska ayaana daanyeerka inta dhabta saartay gacanta u galiyay isteelka ama shukaanta laga kaxeeyo si uu usii wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -