Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo galabta loo diiday in shir uu ku qabto Garawe

Maamulka Puntland ayaa galabta baajiyay shir uu doonayay in uu la qaato ardayda wax kabarata Jaamacadaha magaalada Garawe Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiir Jamaal iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Yaraey ayaa doonayay in magaalada Garawe shir kula qaataan ardayda wax kabarata Jaamacadaha Garawe, hasa ahaatee shirkaas ayaa la joojiyay kadib amar kasoo baxay maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa sheegay in maamulkoodu joojiyay shir galabta magaalada Garawe Wasiirka Qorsheynta kula qaadan lahaa Ardayda Jaamacadaha Garawe,.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland sababta ay shirkaasi u joojiyeen in ay tahay xiriirka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oon xiligan wanaagsaneyn wax wada shaqeyn ahna uusan labada dhinac ka dhaxeyn.

Maamulka Puntland ayaa kamid ah maamuladii dhawaan magaalada Kismaayo uga dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowlada Federaalka Soomaaliya ayna hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -