Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed iyo Gabar la shaqeeneysay oo lagu dilay Magaalada Tzaneen

Kooxo burcad hubeesan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa dil u geestay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa Goob ganacsi oo kutaala Deegaan lagu magacaabo Ga-Mawa Block 7 oo (57,2 km) u jira Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo

Sida aan wararka ku heleyno burcada ayaa dil u geestay Muwaadinka Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Axmed iyo gabar u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo dukaanka ka shaqeeneysay.

Burcada ayaana dilka kadib goobtaasi ka geestay dhac iyagoona horeyu qaatay lacago iyo agab kale oo dukaanka yaalay, ciidamada booliiska ayaan ku guul dareestay in ay gacanta kusoo dhigaan burcada dilka geesatay.

Saraakiil katirsan booliiska deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ay wadaan howlgalo baaritaano ah ay ku baadi goobayaan burcadii dilka iyo dhaca ka geesatay dukaanka Soomaalida laheyd .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wareegto ku Magacaabay xil cusub

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo shaacisay in lasoo afjaray Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit 

Cabdi Cade

Faahfaahin: Labo qarax oo ka dhacay Qudus & Booliska Israel oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---