Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulanka guddiga joogtada (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa shir guddoomiyay kulanka 3-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta kulamada Golaha ayuu Guddoomiyuhu kaga warbixiyay safaaradii uu ku tagay dalalka Taliyaaniga iyo Mareykanka iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Waxaana sidoo kale xubnaha guddiga ay si qota-dheer uga doodeen ajandeynta kulamada kalfadhigan 4-aad iyo shaqooyinka kale oo muhiim u ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo weerar afka ah ku qaaday Dowladaha Masar iyo Imaaraadka

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Ciidamadii dadka ku laayay magaalada Gaalkacyo oo la qabtay

Cabdi Cade

Puntland oo soo saartay go’aan khuseeya degaanka Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---