Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo Xamaas ku eedeysay iney jebisay qodobo ka mid ah heshiiskii xabad joojinta

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku Xamaas ku eedeeyey inay ku xad-gudbeen qodob ka mid ah qodobbadii xabbad-joojinta kaddib markii ay sii daayeen gabar dhallinyaro ah oo aan hooyadeed la socon.

Hila Rotem oo 13 jir ah ayaa la sii daayay iyadoo hooyadeed Raaya Rotem ay weli gacanta ugu jirto Xamaas.

Israel waxay sheegtay in qodob ka mid ah heshiiska xabad joojinta uu dhigayey in hooyooyinka iyo caruurta ay dhaleen ee Xamaas gacanta ugu jira aan lakala reebin marka maxaabiista la is dhaafsanayo.

“Waxay ahayd in aanay qoysaska kala qaybin, laakiin waxay sii daayeen gabadh da’yar, waxayna heystaan hooyadeed” ayuu yiri afhayeenka IDF Lt. Col. Jonathan Conricus.

Markii ay wax ka weydiisay Hila hooyadeed, Xamaas waxay sheegtay inaysan garanayn halka ay joogto ayuu yiri Conricus.

“Gabadhu waxay noo sheegtay inay wada joogeen ilaa laba maalmood ka hor intaan la sii dayn,” ayuu yiri Conricus.

“Waxay rabaan in mid kasta iyo qof kasta oo Israa’iil ah oo ku jira afduubka ay u adeegsadaan cadaadis siyaasadeed,” ayuu yiri Conricus.

 

Related posts

Dhacdo dad badan ka argagaxeen oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dibad baxe carreysan oo isku hor gubay Qunsuliyad Israa’iil ku leedahay Mareykanka

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay in la fashiliyay Weerar Al Shabaab saakay kusoo qaadeen Masagawaay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---