Dibad baxe carreysan oo isku hor gubay Qunsuliyad Israa’iil ku leedahay Mareykanka

Qof ka carreysan tacadiyada ciidamada Israa’iil ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin ayaa dab isku qabadsiiyay bannaanka qunsuliyad Israa’iil ku leedahay gobolka Georgia ee dalka Mareykanka.

Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in qofkan is gubay oon la aqoosan rag iyo dumar waxa uu yahay uu watay calanka Falastiin, waxa uuna qofkan oo patrol isku soo shubay isku gubay bannaanka qusuliyada Israa’iil.

War kasoo baxay booliiska ayey ku sheegay in bannaan-baxa ka dhacay bannaanka qunsuliyada Israa’iil uu ahaa mid siyaasadeed oo xagjir ah, waxa ayna ka digeen dibad baxyada nuucaan ah.

Qofka is gubay ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad adag oo lala tacaalayao, waxaa sidoo kale dabkan dhaawac lug iyo gacan ah uu kasoo gaaray sargaal katirsan booliiska gobolka Georgia , xilli uu u gurmanayay ninka is gubay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -